HomeWararMeydka Gabar la la’aa muddo 8 bilood oo laga helay Galgaduud

Meydka Gabar la la’aa muddo 8 bilood oo laga helay Galgaduud

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas barqanimadii Maanta laga helay Meydka gabar yar oo muddo bilooyin dhowr ah la la’aa. Meydka gabadhaas ayaa waxaa laga helay deegaan lagu magacaabo Baraak Dabayl oo ku yaalla duleedka Guriceel, kadib markii halkaas ay Meydka ku arkeen dad xoolo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas barqanimadii Maanta laga helay Meydka gabar yar oo muddo bilooyin dhowr ah la la’aa.

Meydka gabadhaas ayaa waxaa laga helay deegaan lagu magacaabo Baraak Dabayl oo ku yaalla duleedka Guriceel, kadib markii halkaas ay Meydka ku arkeen dad xoolo dhaqato ahaa goobta socod ku marayay.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in Meydka lagu arkay Astaamo lagu aqoonsan karo inay tahay gabadha oo Ehelkeeda waayeen muddo ka badan 8 bilood ka hor ah, isla markaana laga sabray.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Astaamahaha gabadha lagu aqoonsaday ay kamid ahaayeen Ilkaheeda iyo dharka ay wadatay xiligii la waayay oo qaybo kamid ah oo la helay.

Qoyska gabadhan Meydkeeda la helay ayaa kal horey waxaa la sheegay inay tacsi u dhigeen gabadhooda, kadib markii ay raq iyo ruux waayeen gabadhooda, isla markaana ay ka sabreen.

- Advertisement -

Ciidanka ka tirsan kuwa Booliska Galmudug ayaa si deg deg ah u tegay goobta laga helay Meydka gabadha, iyagoo halkaas ka wada baaritaano kala duwan oo ku aadan dhacdadaas lagu dilay gabdha yar iyo cida Meydka soo dhigtay halkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts