HomeWararWafdi ka socda Dowladda oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wafdigan uu hogaaminayo siihayaha Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo siihayaha Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa gaaray Mgaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Wafdiga ayaa garoonka oshaaka ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, maamulka Gobolka, kan degmada iyo qeybaha kala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafdigan uu hogaaminayo siihayaha Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo siihayaha Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa gaaray Mgaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa garoonka oshaaka ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, maamulka Gobolka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana marka ay soo degeen kadib loo galbiyay xarunta maamulka.

- Advertisement -

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Ku-xigeenka Duqa magalada Gaalkackyo ayaa sheegay in Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ay uga mahadcelinayaan qorshaha ay ku dhisayso xabsi weyn oo laga hirgelinayo Gaalkacyo, kaasi oo uu sheegay inay baahi weyn u qabaan.

Siihayaha Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo, waxaana uu intaa ku daray in muddada ay joogaan Gaalkacyo ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts