HomeWararBaarlamaanka Puntland oo dood kulul ka yeeshay xeer muhiim ah

Baarlamaanka Puntland oo dood kulul ka yeeshay xeer muhiim ah

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Xildhibaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta yeeshay  Fadhiga 29-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada  Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad  Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad  Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajandaha ayaa maanta ah Dib-u eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbiyeen Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa loo qeybiyay Xeerka Isgaarsiinta  oo lagu soo saaray faafin rasmi ah Bishii Dec 25, 2007.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa Golaha Wakiillada  ansixiyeen Dec 11, 2007, waxaana Guddiga joogta Golaha Wakiillada go’aan ku ogolaaday Dib-u eegistiisa Jan 01, 2020 sidaasna uu uga mid noqday Ajandaha Fadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga oo ay joogeen 40 Xildhibaan waxaa u codeyay Ogol 37 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 3 Mudane.

Dhinaca kalena, waxaa isla maanta si rasmi ah loo soo xiray kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland kaas oo soo socday illa Nov 15, 2020.

Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada  ayaa noqday Kalfadhigii ugu horeeyay oo Puntland muddo 15 sanno ah si joogta 29 fadhi ay isugu yimaadaan Xildhibaannadda Golaha Wakiillada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories