HomeCaalamkaRa’iisul Wasaare hore Dowladeed oo lagu helay dembiyo Culus

Ra’iisul Wasaare hore Dowladeed oo lagu helay dembiyo Culus

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia, Najib Razak ayaa lagu helay dhammaan toddobo dembi oo loo heystay, kuwaas oo la xiriira musuqmaasuq. Najib oo loo heystay in uu lunsaday malaayiin doollar ah ayaa sheegay in uusan gelin wax dembi ah oo la xiriira musuqmaasuq, ku takrifal awoodeed iyo aaminaad darro. Kiiskan ayaa loo arkayay mid tijaaba […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia, Najib Razak ayaa lagu helay dhammaan toddobo dembi oo loo heystay, kuwaas oo la xiriira musuqmaasuq.

Najib oo loo heystay in uu lunsaday malaayiin doollar ah ayaa sheegay in uusan gelin wax dembi ah oo la xiriira musuqmaasuq, ku takrifal awoodeed iyo aaminaad darro.

- Advertisement -

Kiiskan ayaa loo arkayay mid tijaaba u ah dhaqan-galka sharciga dalkaas iyo dedaalada looga hortagayo musuqmaasuqa. Fadeexadda la xiriirta kiiskan ayaa la aaminsan yahay inay bannaanka soo dhigtay wax isdaba marin iyo musuqmaasuq baahsan oo la sheegay in sanadihii dambe ay ka jirtay gudaha dalkaas.

Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee la xiriira arrintan ayaa lagu sheegay in lacag dhan 10 milyan oo doollar lagu shubay akoonka gaarka ah ee Najib Razak oo ra’iisul wasaare ka ahaa Malaysia sanadihii 2009 ilaa 2018-ka.

“Kaddib markii aan qiimeynay caddeymaha la xiriira arrintan, waxaan ino caddaatay in dacwad oogaha uu soo bandhigay caddeymo lagu qanci karo,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda Kuala Lumpur Maxamed Nazlan.

- Advertisement -

Najib waa uu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay, wuxuuna intaa ku daray inay si khaldan ula taliyeen lataliyeyaashiisa arrimaha dhaqaalaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts