HomeCaalamkaKhilaaf ka dhashay Go’aankii Masjidka looga dhigay Aaya-suufiya

Khilaaf ka dhashay Go’aankii Masjidka looga dhigay Aaya-suufiya

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Turkiga iyo Giriiga ayaa Sabtida maanta ah is-dhaafsaday ereyo ad-adag oo ku aaddan tallaabada dhismaha Sophia dib looga dhigay Masjid, maalin uun kadib markii salaadda lagu oogay goobtan markii u horeysay ee muddo ku dhow 90 sanadood. Dhaleecaynta Giriiga ee tallaabada looga beddelay goobta iney madxaf sii ahaato ayaa noqotay mid adag, taasi oo hoosta […]

- Advertisement -

Turkiga iyo Giriiga ayaa Sabtida maanta ah is-dhaafsaday ereyo ad-adag oo ku aaddan tallaabada dhismaha Sophia dib looga dhigay Masjid, maalin uun kadib markii salaadda lagu oogay goobtan markii u horeysay ee muddo ku dhow 90 sanadood.

Dhaleecaynta Giriiga ee tallaabada looga beddelay goobta iney madxaf sii ahaato ayaa noqotay mid adag, taasi oo hoosta ka xariiqeysa xiriirka aadka u liita ee ka dhexeeya dalalka Giriiga iyo Turkiga.

- Advertisement -

Dawan murugo xanbaarsan ayaa Jimcihii laga yeeriyey Kaniisadaha dalka Giriiga, xilli uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku biiray salaadda ay Muslimiitu ku tukanayeen dhismaha Aya Sofya ee magaalada Istanbul.

Wasaaradda ayaa si kulul u cambaareysay hadallada cadaawadda leh ee ay soo jeediyeen dowladda Gariiga iyo xubnaha baarlamaanka dalkaasi si ay u kiciyaan shacabka, iyadoo calanka Turkiga lagu gubay magaalada Thessaloniki ayaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

Hagia Sophia waxaa loo furay salaadda Muslimiinta cibaadeysanaya, iyadoo ay taasi la jaanqaadeyso rabitaanka shacabka Turkiga, waxaana dhismahan leh dalka Turkey sida xarumha kale ee dhaqankaba, ayaa lagu xusay qoraalka.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Greece oo qoraal jawaab ah soo saartay ayaa sheegtay in “beesha caalamka ee qarnigan 21-aad ay la yaaban tahay iney arkaan ficillada xagjirka diineed iyo kuwa wadaniyadeed ee maanta ka jira dalka Turkiga.”

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories