HomeWararPuntland oo War kasoo saartay Howlgal qorsheysan oo ay fulisay

Puntland oo War kasoo saartay Howlgal qorsheysan oo ay fulisay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa War kasoo saaray dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay la galeen xubo ka tirsan Daacish, kaasi oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bari. Dagaalka dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Daacish ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanada kala ah Tuurmasaale, amayra ee Buuraha Cal iyo  Miskaat oo ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa War kasoo saaray dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay la galeen xubo ka tirsan Daacish, kaasi oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Dagaalka dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Daacish ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanada kala ah Tuurmasaale, amayra ee Buuraha Cal iyo  Miskaat oo ka tirsan Gobolka, waxaana dagaalkaas inta uu socday ka dhashay Khasaaro kala duwan.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Ciidamada PSF ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, isla markaana ay ku jiraan Saraakiil sare isugu jira jira Soomaali iyo Ajnabi.

“Xubnaha laga dilay Daacish ayaa waxaa ku jira Saraakiil sare oo uu iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi, uuna ka mid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale” ayaa lagu jiray Qoraalka Ciidamada PSF.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka PSF ka gubeen Daacish kayd weyn oo ay dhigan jireen saadka iyo sahayda, kaydkaas oo ay yaaleen raashin aad u farobadan, daawo, rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Ciidanka PSF waxay ugu shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulka Puntland ugu baaqdeen in ay ka qeyb qaatan sidii looga hortegi lahaa falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhaca deegaano ka tirsan Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts