HomeCaalamkaTurkiga oo ku hanjabay Jawaab ka dhan ah Midowga Yurub

Turkiga oo ku hanjabay Jawaab ka dhan ah Midowga Yurub

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Turkiga ayaa ku jawaabi doonta tallaabooyin u gaar ah, haddii Midowga Yuurb ay cunaqabateeno dheeraad ah kusoo rogaan Ankara, waxaa sidaas sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu, kadib kulan uu la yeeshay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub.

Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska ayaa toddobaadkii tegay sheegay in wasiirada Midowga Yurub ay 13-ka July ka doodi doonaan suurta-galnimada xayiraado dheeraad ah oo la saaro Ankara, sababo la xiriira gaas ay ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus.

- Advertisement -

“Haddii Midowga Yurub ay go’aano dheeraad ah ka qaataan Turkey, waa inaan ka jawaabnaa,” ayuu yir Cavusoglu oo shir jaraa’ida Ankara kula qabtay madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrell.

Ayada oo xiriirka ururka iyo Ankara uu xumaaday, ayaa Midowga Yurub waxay bishii Febraayo xayiraad socdaal iyo mid hanti kusoo rogeen laba qof oo Turkish ah oo ku lug leh shidaalka ay Ankara ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus,

Cavusoglu ayaa Midowga Yurub ku cambaareeyey inay ku guul-darreysteen inay kasoo baxaan ballan-qaadyadii ay galeen ee la xiriiray muranka Qubrus iyo heshiiskii muhaajiriinta ee 2016. Waxa uu sheegay in Turkey aysan ogolaan doonin inay lahayste u noqoto Greece iyo Qubrus, wuxuuna Midowga Yurub ugu baaqay inuu noqdo “dhex-dhexaadiye daacad ah”.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories