HomeWararFaransiiska oo hakiyay dowrkiisa howlgalka Nato

Faransiiska oo hakiyay dowrkiisa howlgalka Nato

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dowladda Faransiiska ayaa si ku meelgaar ah waxa ay uga baxday howlgalka ammaanka ee gaashaanbuurta Nato, xilli uu khilaaf wayn kala dhaxeeyo dowladda Turkiga. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in Faransiiska uu hakiyay doorkii uu ku lahaa Howlgalka Ilaalinta Badda, iyadoo Turkiga ku eedaysay inuu ku xadgudbay cunaqabataynta hubka ee saaran Liibiya. Arrintan ayaa imanaysa todobaadyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Faransiiska ayaa si ku meelgaar ah waxa ay uga baxday howlgalka ammaanka ee gaashaanbuurta Nato, xilli uu khilaaf wayn kala dhaxeeyo dowladda Turkiga.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in Faransiiska uu hakiyay doorkii uu ku lahaa Howlgalka Ilaalinta Badda, iyadoo Turkiga ku eedaysay inuu ku xadgudbay cunaqabataynta hubka ee saaran Liibiya.

- Advertisement -

Arrintan ayaa imanaysa todobaadyo kaddib markii maraakiib Turkiga uu leeyahay lagu eedeeyay inay bartimaameedsadeen markab dagaal oo uu Faransiiska leeyahay oo marayay badweynta Mediterranean-ka – arrintaas oo ay Ankara si xooggan gaashaanka ugu daruurtay.

Dalalka gaashaanbuurta Nato ayaa waxaa loo malaynayaa inay kala taageerayaan dhinacyada iskuhaya dagaalka sokeeye ee Liibiya.

Dalkaas ayaa waxaa ragaadiyay colaad tan iyo markii ay ciidamo uu baritaarayay isbahaysiga Nato ay xilka ka tuureen Korneel Mucamar Qadaafi.

- Advertisement -

Dalkan ayaa saliidda qaniga ku ah ayaa waxa uu marin muhiim ah u yahay muhaajiriinta Afrika ka soo qulqulaysa ee ku wajahan qaaradda Yurub.

Waqtigan la joogo, ciidammada dowladda ay baritaarto Qaramada Midoobay ayaa waxa ay la dagaalamayaan kuwa Janaraal Khaliifa Xaftar kuwaas oo ka arrimiya qeyba badan oo bariga iyo koonfurta Liibiya ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts