HomeWararWararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Addis Ababa iyo xaalada oo kacsan

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Addis Ababa iyo xaalada oo kacsan

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waxaa weli kacsan xaaladda Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya, kadib markii shalay halkaas ay ka dhaceen Banaanbaxyo rabshado wata oo loo horjeeday Dil habeen hore halkaas loogu geystay Fanaan lagu Magaacabi jiray Haajaalu Hundeesaa. Addis Ababa ayaa sidoo kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa weli kacsan xaaladda Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya, kadib markii shalay halkaas ay ka dhaceen Banaanbaxyo rabshado wata oo loo horjeeday Dil habeen hore halkaas loogu geystay Fanaan lagu Magaacabi jiray Haajaalu Hundeesaa.

Addis Ababa ayaa sidoo kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Itoobiya Endeshaw Tasew ayaa waxaa uu sheegay in saddex qaraxyada ay ka dhacay Caasimadda dalkaas, ayna ku dhinteen dad shacab ah xubno o ka tirsan dadkii dhigayay qaraxyada, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo la geeyay Xarumaha Caafimaadka.

Sidoo kale dhaqaatiir ka howlgasha Isbitaalka weyn ee Addis Aabab ayaa sheegay in Isbitaalka la geeyay dad badan oo dhaawacyo Culus ay soo saareen, kuwaasi oo qaarkood lagu dhuftay Toorey, halka kuwo kalena la garaacay.

Ra’iisul Waasare Abiy Axmed oo markale ka hadlay dilka loo geystay fanaankii Haajaalu Hundeesaa ayaa waxaa uu sheegay in falkaas uu ahaa mid shaydaanimo ah, isla markaana ay ka dambeeyeen Dad Cadow ah oo kasoo horjeeda xasiloonida Itoobiya.

- Advertisement -

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Addis Aabab ayaa sheegaya in Wadooyinka la dhigay Ciidamo badan oo kala duwan, iyadoo laga cabsi qabo in markale halkaas ay ka dhacaan Banaanbaxyo rabshado wata.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts