HomeWararMadaxweynaha Puntland oo qaadacay Shirkii DFS iyo M/Goboleedyada

Madaxweynaha Puntland oo qaadacay Shirkii DFS iyo M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka hadlay Go’aankii laba maalin kahor kasoo baxay Baarlamaanka Puntland, kadib markii uu Khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay Sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay Xornimada qaateen Gobolada Koonfureed iyo midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta Dalkeena ee 1-da Luulyo. Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka hadlay Go’aankii laba maalin kahor kasoo baxay Baarlamaanka Puntland, kadib markii uu Khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay Sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay Xornimada qaateen Gobolada Koonfureed iyo midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta Dalkeena ee 1-da Luulyo.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aankii Baarlamaanka Puntland ay ku qaadaceen Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

- Advertisement -

Baarlamaanka Puntland ayaa Madaxweyne Deni ugu baaqay in uusan ka qeyb gelin Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, wuxuuna Deni sheegay inuu taageeray Go’aanka Baarlamaanka Maamulkiisa.

“Waxaan soo dhoweynayaa kuna shaqeynayaa go’aankii iyo taladii Baarlamanka anigoo tixgelinaya hay’adaha Sharciga ah ee Puntland”. ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Puntland ayuu Beesha Caalamka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii lagu badbaadin lahaa geedi socodka Ummada Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday in aysan  ku kalsoonin Tallaabooyinka ay qaadanayaan Madaxda DFS.

- Advertisement -

Si kastaba 5-ta Bishaan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka amniga Qaranka ee uu Madaxweyne Farmaajo ku Casuumay Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaaadir, hayeshee Puntland ayaa qaadacday Shirkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts