HomeWararMaxaa ka jira in la beddelay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya?

Maxaa ka jira in la beddelay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto. Af-hayeen u hadlay safaaradda ayaa VOA u sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya. “Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yiri af-hayeenku. Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto. Af-hayeen u hadlay safaaradda ayaa VOA u sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

“Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yiri af-hayeenku.

- Advertisement -

Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood.

Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sano.

Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sano oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda.

- Advertisement -

Inkastoo uu yahay sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, haddana waxa uu marayaa meertada is-bedbeddellada muddo xileedka taasi oo u baahan inuu Madaxweynuhu magacaabista sameeyo, kadibna Senate-ku ay ansixiyaan.

Ilaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaarayo.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts