HomeWararXisbiyo taageeray Go’aano ay qaadatay Dowladda Federaalka

Xisbiyo taageeray Go’aano ay qaadatay Dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Sheekh Xasan oo madax ka ah xisbiyo siyaasadeed dalka ka jira ayaa ka hadlay tallaabooyin kala duwan oo ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Saddexda siyaasi oo si wadajir shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa marka hore ka hadlay shirka Madaxda dowladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Sheekh Xasan oo madax ka ah xisbiyo siyaasadeed dalka ka jira ayaa ka hadlay tallaabooyin kala duwan oo ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saddexda siyaasi oo si wadajir shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa marka hore ka hadlay shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda dalka Jabuuti, kaasi oo marti-geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

- Advertisement -

Waxaa ay saddexda siyaasi soo dhaweeyeen wada-hadalka Dowladda iyo Somaliland, iyagoo sheegay in wada-hadalkaas uu yahay mid muhiim ah, isla markaana labada dhinac ay uga wada hadleen arrimo kala duwan.

Sidoo kale Cali Geeddi, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Sheekh Xasan ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Go’aankii ay qaadatay Dowladda ayna Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweynaha KMG  ah ee Jubbaland muddo labo sanno ah.

Siyaasiyiintaas ayaa sidoo kale soo dhaweeyay dedaalada lagu raadinayo matalaadda Gobalka Banaadir iyo qorshaha Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shirka ugu Casuumay Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Sheekh Xasan ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay siyaasad-cad iyo tanaasul dhameystiran, iyagoona u mahadceliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxda Gobalka dadaalka ay ku bixinayaan dib u soo celinta Qaranimada Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts