HomeWararSomaliland oo Caawa shaacisay inuu Fashil kusoo dhamaaday Shirkii Jabuuti

Somaliland oo Caawa shaacisay inuu Fashil kusoo dhamaaday Shirkii Jabuuti

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Caawa shaaciyay inuu fashil kusoo dhamaaday shirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee Maanta ka furmay Magaalada Jabuuti. Guddoomiye Saleebaan oo wareysi siiyay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Af-Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Shirka lagu kala kacay, kadib markii Somaliland ay Shirka ku xirtay shuruudo. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Caawa shaaciyay inuu fashil kusoo dhamaaday shirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee Maanta ka furmay Magaalada Jabuuti.

Guddoomiye Saleebaan oo wareysi siiyay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Af-Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Shirka lagu kala kacay, kadib markii Somaliland ay Shirka ku xirtay shuruudo.

- Advertisement -

Saleebaan ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ku xireen hal Shuruud oo aheyd in marka horey fuliso qodobadii hore loogu heshiiyay ee qeybta ka ahaa wada-hadalka labada dhinac, isagoo xusay in hadii arrintaas la fulin waayo aan hore loo sii wadi karin wada-hadalka.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Guurtida ayaa waxaa uu tilmaamay in gabi ahaan shirkii Maanta u furmay Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ee uu Guddoominayay Madaxweynaha Jabuuti uu kusoo idlaaday natiijo la’aan.

Sidoo kale waxaa uu xusay Guddoomiye Saleebaann in maalmaha soo socda hadii aysan waxba isbedelin Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi ee ku sugan Jabuuti ay dib ugu soo laaban doonaan Magaalada Hargeysa.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa inta uusan bilaaban Shirka Dowladda Soomaaliya u sheegay in Ajandaha kulanka lagu daro aqoonsiga Somaliland iyo in dawladda Soomaaliya ay ka garowdo xasuuqii ay u gaysatay dawladdii kacaanku shacabka Gobolada Waqooyi.

Magaalada Jabuuti ayaa waxaa Caawa ka socda daadalo xoogan oo ay wadaan xubno ka tirsan Beesha Caalamka, kuwaasi oo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Madaxda Soomaaliya  iyo Somaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts