HomeWararShirkii u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland oo lagu kala kacay

Shirkii u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland oo lagu kala kacay

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirkii halkaas uga socday Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaaliya lagu kala kacay wajigiisii hore. Sababta keentay in Shirkaas lagu kala kaco wajigiisii horey ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu laba shuruudood uu shirka ku xiray Madaxweyne Muuse Biixi […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirkii halkaas uga socday Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaaliya lagu kala kacay wajigiisii hore.

Sababta keentay in Shirkaas lagu kala kaco wajigiisii horey ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu laba shuruudood uu shirka ku xiray Madaxweyne Muuse Biixi oo uu doonayay in lagu soo daro Ajendaha Shirka.

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in Ajandaha kulanka lagu daro aqoonsiga Somaliland iyo in dawladda Soomaaliya ay ka garowdo xasuuqii ay dawladdii kacaanka u geysatay shacabka Gobolada Waqooyi.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir Guddoominaya Shirka, isla markaana waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka.

Weli si rasmi ah looma oga Ajendayaasha labada dhinac ay kulankooda uga hadli doonayaa, hayeeshee wada-hadalkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa kuwo u dhexmaray Somalia iyo Somaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories