HomeWararGuddoomiye Shuute oo Amar dul-dhigay Ciidamo la geeyay Goobo Dalxiis

Guddoomiye Shuute oo Amar dul-dhigay Ciidamo la geeyay Goobo Dalxiis

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa booqday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo dowladda Federaalka ay geysay wadada isku xirta Muqdisho iyo deegaanka Jaziira ee Shabeellaha Hoose oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen rag Maleeshiyaad ah. Maleeshiyaadka hubeysan ee ku dagaalamayay halkaas ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa booqday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo dowladda Federaalka ay geysay wadada isku xirta Muqdisho iyo deegaanka Jaziira ee Shabeellaha Hoose oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen rag Maleeshiyaad ah.

Maleeshiyaadka hubeysan ee ku dagaalamayay halkaas ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo dadka shacabka ah ee u Dalxiiska tega deegaanka Jaziira iyo Abaay dhaxan dhac baahsan u geysan jiray, iyadoo haatan halkaas lagala wareegay.

- Advertisement -

Guddoomiye Shuute oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maxkamadda iyo dowladda la socotay dhibaatooyinkii dadka loo geystay deegaanka Jaziira, Abaay dhaxan iyo deegaano kale oo ku teedsan, Balse arrintaas laga Jawaabay.

Sidoo kale Guddoomiye Shuute ayaa waxaa sheegay in la xiray saddex kamid ahm ragii dhibaatada ka geystay deegaanadaas, wuxuuna Ciidanka Booliska ku amray inay soo qabtaan kuwo kale, ayna howlgal baaritaano ah ka sameeyaan Xaafadaha deegaanada, isla markaana dadkaas la horgeyn doono Cadaaladda.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayuu Ciidanka Booliska ee la geeyay Jaziira iyo Abaay dhaxan kula dardarmaaray inay gutaan wajibaadkooda shaqo, ayna ka fogaan Israsaaseynta dhexmarta Ciidamada ka wada tirsan dowladda.

- Advertisement -

Ugu dambeyn G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa dadka deegaanada la geeyay Ciidamada  Booliska ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si loo soo wada qabto dadkii dhibaatooyinka u geystay dadka shacabka ah ee u Dalxiiska tega deegaanka Jaziira iyo Abaay dhaxan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts