HomeWararGalmudug oo la wareegtay Maleeshiyo hor leh iyo Gaadiid dagaal

Galmudug oo la wareegtay Maleeshiyo hor leh iyo Gaadiid dagaal

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa qaar kamid ah beelaha dega Gobalka Mudug kala wareegtay hub iyo gadiid dagaal, taas oo qeyb ka ah qorshaha  dardar gelinta diyaarinta Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo in dhammaan deegaanada Galmudug ay gacanta ku dhigaan ciidamo ka amar qaata maamulkaas. Qaar Ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyo beeleedyada wareejiyay hubka iyo gaadiidka ayaa […]

- Advertisement -

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa qaar kamid ah beelaha dega Gobalka Mudug kala wareegtay hub iyo gadiid dagaal, taas oo qeyb ka ah qorshaha  dardar gelinta diyaarinta Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo in dhammaan deegaanada Galmudug ay gacanta ku dhigaan ciidamo ka amar qaata maamulkaas.

Qaar Ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyo beeleedyada wareejiyay hubka iyo gaadiidka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ka mid noqoshada Ciidamada daraawiishta Galmudug ee la qorsheynayo in marka ay soo dhamaadaan tababaridooda ay ka qeyb qaataan ololaha xoogan ee loogu jiro sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

- Advertisement -

Wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la wareegay maleeshiyadaan ayaa uga mahad celiyay waxgaradka beelaha ay maleeshiyaadkoodu wareejiyeen agabkaan ciidan kaalinta ay ka qaateen in uu taabo galo, isagoo dhanka kalana sheegay in maleeshiyaadkii horay u heystay hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu wareejiyay ay u sameeyn doonaan dhaqan celin iyo tababar isla markaana ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahooda ugu horreeya uu noqon doono ka shaqeynta amniga iyo nabad galyada Guud ahaan deegaanada Galmudug si argagixisada looga xureeyo deegaanada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories