HomeCaalamkaDigniino laga soo saaray Banaanbaxyo weli ka socda Mareykanka

Digniino laga soo saaray Banaanbaxyo weli ka socda Mareykanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Saraakiisha caafimaadka ee Mareykanka ayaa ka digay in cudurka COVID-19 uu mar kale laba kacleyn karo ka dib banaanbaxyo ka dhacay qeybo badan oo Mareykanka ah oo ka dhashay dilkii loo gaystay George Floyd oo ahaa nin u dhashay bulshada madow, kaasi oo ku baxay gacanta ciidamada booliska ee magaalada Minneapolis. Dibadbaxayaasha ayaa maalmihii la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiisha caafimaadka ee Mareykanka ayaa ka digay in cudurka COVID-19 uu mar kale laba kacleyn karo ka dib banaanbaxyo ka dhacay qeybo badan oo Mareykanka ah oo ka dhashay dilkii loo gaystay George Floyd oo ahaa nin u dhashay bulshada madow, kaasi oo ku baxay gacanta ciidamada booliska ee magaalada Minneapolis.

Dibadbaxayaasha ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu arkayay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, iyagoo qaarkood ay maaskarooyin xirnaayeen halka qaarna aysan xirneyn.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in uu ka walwalsan yahay xaalladan. Waxa uu sheegay iney muuqato in dadku ay illoobeen in wali uu gobolku bartanka uga jiro xaaladda caafimaad ee degdega ah ee uu keenay cudurkan safmarka ah ee COVID-19, isaga oo xusay in isbitaalladu ay la tacaalayaan bukaano badan oo COVID-19 ah.

Maayorka magaalada Atlanta, Keisha Lance Bottom, ayaa iyana walaacaasi qabta iyada oo uu sheegtay AP in “waxaa wali ka jira Mareykanka cudur safmar ah oo dilaya tiro aad u badan oo dadka madow iyo kuwa kale ee laga badan yahay.”

Mareykanka ayaa ah dalka diiwaangeliyey kiisaska ugu badan ee COVID-19 ee caalamka oo dhan, iyadoo ay haatan ka badan yihiin ilaa 1.7 milyan oo kiis. In ka badan 100,000 oo qof ayaa cudurkan ugu geeriyootay Mareykanka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts