HomeCaalamkaTrump oo qaaday tallaabo ka nixisay hoggaamiyeyaasha diimaha dalkaas

Trump oo qaaday tallaabo ka nixisay hoggaamiyeyaasha diimaha dalkaas

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyna Donald Trump wuxuu xalay isasoo sawiray isagoo kitaabka masiixiyiinta gacanta ku haya, oo hor taagan kaniisadda St John’s Episcopal, oo ka soo horjeedda Aqalka Cad. Maantana wuxuu booqan doonaa macbadka St John Paul II, oo laftiisa ku yaalla isla magaalada Washington. Laakiin sida uu Mr Trump ugu weecday dhinaca diinta ma aysan soo dhaweynin […]

- Advertisement -

Madaxweyna Donald Trump wuxuu xalay isasoo sawiray isagoo kitaabka masiixiyiinta gacanta ku haya, oo hor taagan kaniisadda St John’s Episcopal, oo ka soo horjeedda Aqalka Cad. Maantana wuxuu booqan doonaa macbadka St John Paul II, oo laftiisa ku yaalla isla magaalada Washington.

Laakiin sida uu Mr Trump ugu weecday dhinaca diinta ma aysan soo dhaweynin qaar ka mid ah wadaaddada, xilli uu waddanka Mareykanka dhib weyn kala kulmayo arrimaha la xiriira cudurka safmarka ah iyo dibadbaxyada siyaasadeed.

- Advertisement -

Mariann Budde, oo ka mid ah wadaad diimeedyada ayaa yiri: “Madaxweynuhu wuxuu iska isticmaalay kitaab, hadallada uu adeegsadayna ma aha kuwo uu fasax u heystay, taasina way naga yaabisay.”

James Martin, oo isagana ah baadari kale oo xiriir la leh Vatican-ka ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray hadallo uu ku dhaliilayo madaxweyne Trump.

“Aan wax kala caddeeyo. Kitaabku ma aha wax lagu gabbado. Kaniisaddu ma aha meel loogu talagalay in la isku sawiro. Diintu ma aha qalab loo adeegsado siyaasadda. Alle ma aha wax aad ciyaar ka dhiganeysid.” ayuu kusoo qorat Twitter-ka.

- Advertisement -

Xigasho BBC-Somali

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories