HomeWararQaad si qarsoodi ah loo geliyay Magaalo oo Goob fagaare ah lagu...

Qaad si qarsoodi ah loo geliyay Magaalo oo Goob fagaare ah lagu gubay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidanka ka tirsan kuwa amniga Gobolka Bari ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay qaad farabadan oo si qarsoodi loo geliyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada oo lagu soo dhex qariyay qaad farabadqn, kaasi oo la sheegay in doonayay in laga sii iibiyo dadka isticmaala ee ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka ka tirsan kuwa amniga Gobolka Bari ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay qaad farabadan oo si qarsoodi loo geliyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada oo lagu soo dhex qariyay qaad farabadqn, kaasi oo la sheegay in doonayay in laga sii iibiyo dadka isticmaala ee ku sugan Boosaaso.

- Advertisement -

Intaas kadib qaadka ayaa waxaa xalay lagu gubay goob fagaare ah, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, ku-xigeenadiisa iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Booliska Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay ka hortageen qorshe lagu doonayay in qaad lagu geliyo Boosaaso, xili Maamulka Puntland uu hore u mamnuucay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Taliye Xuseen Cali sheegay in marnaba aan la aqabali doonin in qaad qarsoodi ah lasoo geliyo Boosaaso, wuxuuna xusay in qaadka uu yahay mid uu ku faafi karo Cudurka halista ah ee Coronavirus.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa waxaa uu Digniin u diray dadka ka ganacsada qaadka ee geeya Magaalada Boosaaso, isagoona sheegay in dadkaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts