HomeWararWeerar ka dhacay Magaalada Garoowe iyo Laamaha amniga oo ka hadlay

Weerar ka dhacay Magaalada Garoowe iyo Laamaha amniga oo ka hadlay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay laga maqlay Dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland iyo rag hubeysan. Rag hubeysan oo la sheegay inay yihiin kuwa is aruursaday oo qaadka ka Ganacsada ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Puntland […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay laga maqlay Dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland iyo rag hubeysan.

Rag hubeysan oo la sheegay inay yihiin kuwa is aruursaday oo qaadka ka Ganacsada ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Puntland ay ku yihiin bartamaha Magaalada Garoowe, waxaana halkaas dagaal kooban uu ku dhexmaray Booliska iyo Dableyda.

- Advertisement -

Dad ku sugan Garoowe ayaa soo weriyay in labada dhinac ay rasaas xoogan isdhaafsanayeen muddo ku dhow 30 daqiiqado, hayeeshee markii dambe ragga hubeysan ay goobta ka baxsadeen, waxaana xaaladda ay ku soo noqotay mid caadi ah.

Saraakiisha Ciidanka amniga Puntland ee Garoowe ayaa xaqiijiyey in weerarkaas uusan geysan wax Khasaaro ah, xili warar soo baxayay ay sheegeen in dhaawacyo ay jiraan, balse wararkaas ayaa la beeniyay.

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa la geeyey Saldhiga iyo Taliska guud ee Booliska, kuwaasi oo la tilmaamay inay ku sugayaan amniga Xarumahaas.

- Advertisement -

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in ay howlan yihiin sidii ay ammaanka u xaqiijin lahaayeen, waxayna sheegeen in ay Howlgal inay wadaan howlgalo kala duwan oo lagu soo qabanayo kooxihii weerarka geystay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories