HomeWararAxmed Madoobe “Diyaar ayaa u nahay xalinta cabashooyinka mucaaradka”

Axmed Madoobe “Diyaar ayaa u nahay xalinta cabashooyinka mucaaradka”

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo xalay soo xiray shir dib u heshiisiin ah oo ka furmay Magaalada Kismaayo ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Madasha. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xalliyo dhammaan cabashooyinka ay qabaan shacabka iyo xubnaha mucaaradka ku ah Maamulkiisa, […]

- Advertisement -

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo xalay soo xiray shir dib u heshiisiin ah oo ka furmay Magaalada Kismaayo ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Madasha.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xalliyo dhammaan cabashooyinka ay qabaan shacabka iyo xubnaha mucaaradka ku ah Maamulkiisa, uuna la fariisan doono.

- Advertisement -

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Jubbaland ay heshiis ku aasaasantay mar walbana ay ku socon doonto raali ahaanshaha iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu intaas ku daray in cid walba oo wax tabanaysa ugu baaqay in ay ka soo qayb gasho shirka dib u heshiisiinta Jubbaland ee xalay ka furmay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambayn Madaxwaynaha Jubbaland ayaa Madaxda xukuumadda federaalka dalka ugu baaqay in ay taageeraan shacabka ay hogaanka u yihiin ee heshiiska qaatay ayna taageeraan hanaanka dawladeed ee Jubbaland.

- Advertisement -

Wuxuu Axmed Madoobe khudbadiisa ku soo xiray baaq uu u diray ummada Soomaaliyeed oo ah in ay ku dadaalaan tallaabooyinka lagaga hor tagayo xanuunka saf marka ah ee COVID-19 ee sida xawliga leh ku faafaya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories