HomeWararPuntland oo beenisay in Dowladda Deeq Gargaar ah ay ka dejisay Garoowe

Puntland oo beenisay in Dowladda Deeq Gargaar ah ay ka dejisay Garoowe

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa beenisay in saddex diyaaradood oo siday gargaar oo gelinkii dambe ee shalay ka degay Magaalada Garoowe ay soo dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Gargaar soo gaaray Puntland uu uga yimid hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayna […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa beenisay in saddex diyaaradood oo siday gargaar oo gelinkii dambe ee shalay ka degay Magaalada Garoowe ay soo dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Gargaar soo gaaray Puntland uu uga yimid hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayna u mahadcelinayaan.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiir Dhabancad ayaa waxaa uu been abuur uu ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay shalay Deeq gargaar ah gaarsiisay Puntland, taas oo aheyd mid loogu talagalay dadkii waxyeelada kasoo gaartay daadadkii Qardho.

Marka laga soo tego hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay Garoowe ka dejisay saddex diyaaradood oo siday deeq gaargaar ah, waxaana halkaas gaaray wafdi ka socday dowladda.

Wasiirka Qorsheynya Xukuumadda Jamaal Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in deeqdaas ay soo dirtay dowladda Federaalka, isla markaana kuwo kalen ay soo waddo si gurmad loogu sameeyo shacabka ku sugan Qardho.

- Advertisement -

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Qorsheynta ayuu xusay inay qiimeyn ku sameeyn doonaan khasaarihii ka dhashay daadadkii ku rogmaday Magaalada Qardho, kadibna dowladda kula laaban doonaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories