HomeWararWasaaradda Awqaafta iyo Maamulka G/Banaadir oo Go'aan soo saaray

Wasaaradda Awqaafta iyo Maamulka G/Banaadir oo Go’aan soo saaray

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Kulan lagu xoojinayay Wacyigelinta ka hortaga Caabuqa COVID19 oo ay isugu imaadeen Madaxda sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiirada Warfaafinta, Diinta iyo Awqaafta, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Amniga, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Madaxda Haweenka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda Culimadda Soomaliyeed ayaa xalay lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Kulankan ayaa diirada lagu […]

- Advertisement -

Kulan lagu xoojinayay Wacyigelinta ka hortaga Caabuqa COVID19 oo ay isugu imaadeen Madaxda sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiirada Warfaafinta, Diinta iyo Awqaafta, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Amniga, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Madaxda Haweenka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda Culimadda Soomaliyeed ayaa xalay lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii Bulshada qeybahooda kala gedisan loo gaarsiin lahaa Wacyigelinta Caafimaad iyo Mida Diiniga ee ku saleysan ka hortaga Caabuqa COVID19, iyadoona ay si wadajir ah isku kaashanayan Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaarada Caafimaadka, Wasaarada Warfaafinta, Wasaarada Diinta & Awqaafta iyo Ururada Bulshada Qeybahooda kala gedisan.

- Advertisement -

Go’aamada shirka kasoo baxay ayaa la isku raacay in Wacyigelinta la gaarsiiyo Guryaha, Suuqyada, Masaajida, Xarumaha ay ku dhaqan-yihiin dadka Barakacayaasha iyo dhamaan Bulshada ku dhaqan Caasimadda si loogu shaqeeyo Bad-qabka Shacabka.

Caabuqa COVID19 ayaa hada u muuqda mid kusii fidaya bulshada dhexdeeda, iyadoona ay sii kordheyso tirada dadka uu ku dhacayo caabuqa, mida kaliya ee loogu bad-baadi karana ay tahay iyadoo la raaco fariimaha iyo talooyinka Wasaarada Caafimaadka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories