HomeWararDowladda oo shaacisay in Dad Cusub laga helay Coronavirus

Dowladda oo shaacisay in Dad Cusub laga helay Coronavirus

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Sida ay maanta xaqiijiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay geeriyooday 3 ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19, waxaana soo kordhay 44 xaaladood oo cusub. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dadka laga helay Cudurka 9 kamid ay yihiin Rag, halka 35 ay yihiin Dumar, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida ay maanta xaqiijiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay geeriyooday 3 ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19, waxaana soo kordhay 44 xaaladood oo cusub.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dadka laga helay Cudurka 9 kamid ay yihiin Rag, halka 35 ay yihiin Dumar, waxaana bogsatay 4 Ruux, iyadoona kiisaskaa laga diiwaan-geliyay Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa caddeysay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480 oo ruux, tirada bukaannada u geeriyooday cudurkana ay gaareen 26 oo qofood.

Dhanka kale, Wasiirka caafimaadka oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale, ayaa sidoo kale xaqiijisay in lala soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo xalay dalka dib loogu soo celiyay.

Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts