HomeWararYaa Maal-geliyay Barnaamijka Baxnaano ee uu daah-furay MD Farmaajo?

Yaa Maal-geliyay Barnaamijka Baxnaano ee uu daah-furay MD Farmaajo?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Barnaamijka Baxnaano ee uu dhawaan daah-furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa shaaca laga qaaday cidda rasmiga ee maal-gelisay Baxnaano. Agaasimaha Bankiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Carlos Felipe Jaramillo oo war qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Barnaamijka Baxnaano ee uu daah-furay Madaxweyne […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Barnaamijka Baxnaano ee uu dhawaan daah-furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa shaaca laga qaaday cidda rasmiga ee maal-gelisay Baxnaano.

Agaasimaha Bankiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Carlos Felipe Jaramillo oo war qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Barnaamijka Baxnaano ee uu daah-furay Madaxweyne Farmaajo uu Bankiga Adduunka uu maalgeliyay.

- Advertisement -

Agaasime Mr. Carlos Felipe Jaramillo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay furista mashruuca Cusub ee Baxnaano oo ah mid dowladda ay ku dooneyso in taakuleyn dhaqaale lagu siiyo qoysaska danyarta ah.

“Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa furista mashruuca ‘Baxnaano’ (Response Safety Net for Human Capital Project -SNHCP) oo uu maalgeliyay Bankiga Adduunka. Qorshahan waxaa lacag Caddaan ah lagu siin doonaan dadka danta yar iyo Qoysaska liita” ayuu yiri Agaasime Mr. Carlos Felipe Jaramillo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wajigiisa 1-aad ee Barnaamijka Baxnaano ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka, waxaana xusid mudan in dowladda aysan shaacin cida maal-gelineysa Barnaamijkaan.

- Advertisement -

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts