HomeWararGuddoomiye Cismaan Barre oo ka horyimid tallaabo uu qaaday Madaxweyne Waare

Guddoomiye Cismaan Barre oo ka horyimid tallaabo uu qaaday Madaxweyne Waare

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ka horyimid shaqo joojintii Maanta Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaan Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Cabdulle Nuur. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Sheekh Cismaan  ayaa waxaa lagu sheegay in sharci darro ay tahay shaqo joojinta lagu sameeyay Guddoomiye Cali Cabdulle, isla markaana Warqada kasoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ka horyimid shaqo joojintii Maanta Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaan Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Cabdulle Nuur.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Sheekh Cismaan  ayaa waxaa lagu sheegay in sharci darro ay tahay shaqo joojinta lagu sameeyay Guddoomiye Cali Cabdulle, isla markaana Warqada kasoo baxday Madaxweyne Waare ay tahay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

- Advertisement -

Qoraalka Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaan Shabeellaha Dhexe loogu faray inuu sii wato shaqadiisa, uuna Bulshada deegaanada Hirshabeelle ugu adeego si cadaalad ah.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu joojiyay laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka April 2020 dhamaan Wareegtooyinka ku saabsan xilka qaadista, Magacaabista iyo shaqo joojinta ee Mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

Waxaa kaloo Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu xusay  ilaa iyo inta laga gudbaayo Marxalada kala guurka Hirshabeelle ayna qabsoomeyso Doorashada maamulkaas uu mas’uul kasta oo xilka haayo uu Mas’uul ka yahay shaqadiisa, si loo ilaaliyo amaanka shacabka.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Sh Cismaan Barre.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts