HomeWararWararkii ugu dambeeyay Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Fagax dhinaca xiga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxaas ahaa miino la geliyay laamiga dhinaciisa, ayna qaraxday xili uu gubay gaari nooca dagaalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Fagax dhinaca xiga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxaas ahaa miino la geliyay laamiga dhinaciisa, ayna qaraxday xili uu gubay gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo halkaas socdaal ku marayay.

- Advertisement -

Ugu yaraan Afar ruux oo shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, kuwaasi oo Deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ku sugnaa meel aan sidaas ugu fogeyn Isgoyska Farax ayaa tegay goobta, iyagoo xiray halkaas, sidoo kalena sameeyay baaritaano ku aadan qaraxii dhacay, dibna wadada u furay.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu dhacay laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayay Mooto Bajaajyo ku burburay qaraxaas iyo Guri ku yaalla halkaas

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federalka oo ku aadan qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Fagax dhinaca xiga Degmada Kaaran.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts