HomeCaalamkaAkhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Tirada dadka u dhintay Coronavirus

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Tirada dadka u dhintay Coronavirus

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Tirada dadka u dhintay cudurka COVID-19 dunida oo dhan ayaa kor u dhaaftay 103,546 qof iyadoo dad ka badan 1.7 milyan oo qofna uu cudurku ku dhacay caalamka oo dhan. Gobolka New York oo ah xuddunta COVID-19 ee dalka Mareykanka ayaa saraakiishu waxa ay sheegayaan inuu hoos u dhacayso tirada dadka u baahn qeybta xanaanada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tirada dadka u dhintay cudurka COVID-19 dunida oo dhan ayaa kor u dhaaftay 103,546 qof iyadoo dad ka badan 1.7 milyan oo qofna uu cudurku ku dhacay caalamka oo dhan.

Gobolka New York oo ah xuddunta COVID-19 ee dalka Mareykanka ayaa saraakiishu waxa ay sheegayaan inuu hoos u dhacayso tirada dadka u baahn qeybta xanaanada degdega ee cisbitaallada iyo kuwa cisbitaalada la geeyaba markii u horreysay ilaa bartamihii bishii March.

- Advertisement -

Gobolka New York ayaa shalay soo wariyey in inkabadan kala bar 18 kun oo qof oo Maeykanka uu ku dilay ay ahaayeen dadka reer New York. Goobaha kale ee uu cudurkani aad u saameeyey ka mid ah Gobolka Louisiana, magaalooyinka Detroit iyo Washington DC.

Dalka Ingiriiskana, Ra’iisulwasaaraha dalkaasi Boris Johnson ayaa ka soo kabanaya cudurka COVID-10, xilli dalkaasi ay shalay u ahayd maalintii ugu dhimasho badneyd. 980 qof ayaa la soo wariyey in ay ku geeriyoodeen Britain taasi oo tirada guud ee dadka uu dilay COVID-19 ka dhigtay 9,000.

Dalka Faransiiska ayaa isna soo wariyey in tirada dhimashadu ay sare u kacday iyadoo ay Jimcadii shalay u ahayd maalin kale oo adag oo ay dalkaasi ku geeriyoodeen ku dhowaad kun qof taasi oo ka dhigeysa tirada dadka cudurkan ugu geeriyooday Faransiiska 13,197 qof.

- Advertisement -

Ra’iisulwasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa kordhiyey muddada xayiraadda guud dalkaasi oo haatan ku eg 3-da bisha May. Talyaaniga ayaa ah dalka soo wariyey dhimashada ugu badan ee coronavirus dunida oo dhan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts