HomeCaalamkaRa’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo laga saaray Isbitaalka

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo laga saaray Isbitaalka

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray isbitaalka kadib markii laga daweeyay xanuunka Coronavirus, balse durbaba shaqada kuma laaban doono, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa. Mr Johnson, oo 55 sano jir ah, ayaa lseexiyay sibitaalka St Thomas’ hospital, ee ku yaalla magaalada London Axaddii – 10 malamood ka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray isbitaalka kadib markii laga daweeyay xanuunka Coronavirus, balse durbaba shaqada kuma laaban doono, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa.

Mr Johnson, oo 55 sano jir ah, ayaa lseexiyay sibitaalka St Thomas’ hospital, ee ku yaalla magaalada London Axaddii – 10 malamood ka dib markii laga helay fayraska Corona.

- Advertisement -

Muddo 3 habeen ah ayuu ku jiray qeybta xaaladda deg degga ee la geeya dadka ay xaaladooda caafimaad aad u liidata.

“Iyadoo laga duulaya talada dhakhaatiirta, ra’iisalwasaaraha si dhakhse leh shaqada uguma laaban doono. Wuxuu aad ugu mahadcelinayaa shaqaalaha isbitaalka oo siiyay daryeel aad u wacan”, ayaa lagu yiri war qoraal ah o ka soo baxay xafiiskiisa.

Ra’iisal wasaaraha saaxiibtii, Carrie Symonds, oo xaamilo ah ayaa barteeda Twitter-ka waxa ay ku soo qortay: ” Waxaan u mahadcelinayaa qof walba oo fariin taageera iyo naxariis ku dheehan tahay ila wadaagay. Maanta waxaan dareemayaa inaan aad u nasiib badannahay”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories