HomeCaalamkaBernie Sanders oo ka haray u tartanka Doorashado Madaxtinimo

Bernie Sanders oo ka haray u tartanka Doorashado Madaxtinimo

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Senator Bernie Sanders oo ahaa musharrax u ordayay magacaabista xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka. Go’aanka Sander ayaa waxa uu ka dhiggan yahay in Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden uu noqonayo musharaxa la baratami doona Madaxweyne Donald Trump doorashada madaxtinimo ee […]

- Advertisement -

Senator Bernie Sanders oo ahaa musharrax u ordayay magacaabista xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka.

Go’aanka Sander ayaa waxa uu ka dhiggan yahay in Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden uu noqonayo musharaxa la baratami doona Madaxweyne Donald Trump doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 3-da bisha November ee sanadkan.

- Advertisement -

“Waddada guushu waa mid aan macquul aheyn,” ayuu Sanders ku yiri khudbad dhanka internet si toos ah looga daawanayay oo uu ugu talogalay taageerayaashiisa isaga oo ku sugnaa magaalada Burlington, ee gobolka uu senate-ka ku matalo ee Vermont.

“Waxaan ku soo gunaanaday in dagaalkan magacaabidda musharaxa xisbiga dimoqraadiga uusan noqoneynin mid guuleysta. Sidaas darteed, waxaan maanta ku dhawaaqayaa inaan joojiyay ololahayga,” ayuu yiri.

Sanders oo ah 78 jir isku tilmaama Dimuqraadi, hanti wadaag ah aya hogaaminayay codbixintii ugu horreeyey ee dhowr gobol oo Mareykanka ah ay ku dooranayeen musharaxa xisbiga Dimuqraadiga. Laakin waxa uu olohiisu galay xaalad quus ah markii uu ku guuldareystay gobolka South Carolina dhammaadkii bishii February xilligaas oo Dimuqraadiyiintu ay awooddooda isugu geeyeen taageerada Joe Biden.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories