HomeWararMadaxwayne ku-xigeenka Jubbaland oo shuruud ku xiray wada-hadalka DFS

Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland oo shuruud ku xiray wada-hadalka DFS

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay oo sheegaya in wada-hadal uu socdo isaga iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland in wararka la faafiyay ee ah inuu wada-hadal kula jiro Dowladda Federaalka ay yihiin kuwo been abuur ah […]

- Advertisement -

Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay oo sheegaya in wada-hadal uu socdo isaga iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland in wararka la faafiyay ee ah inuu wada-hadal kula jiro Dowladda Federaalka ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in Bulshada  lagu Jahwareeriyo.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maxamuud Siyad Aadan iyo Madaxda dowladda ay wada-hadli karaan, hayeeshee wada-hadalkooda uusan aheyn mid qarsoodi ah, balse uu noqonayo mid laga wada ogyahay.

Madaxwayne ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda Federaalka Soomaaliya uu wadahadal la gali doono kaliya haddii ay shacabka iyo xukuumadda Jubbaland u wakiishaan, isla markaana la doonayo in lagu xaliyo Khilaafyada jira.

Isaga oo sii hadlaayay Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu tilmaamay in layaab ay noqotay markii uu maqlay warar ay warbaahinta qaarkood baahiyeen oo ah in wadahadal uu kula jiro dowladda Federaalka,  wuxuuna dadka faafiyay wararkaas ugu baaqay inay iska daayan beenta.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka in dowladda Federaalka aysan weli soo dhaweyn dib u doorashii Madaxweyne Axmed Madoobe  uuna jiro wadashaqeyn la’aan labada dhinac, hayeeshee aysan doonayan in la xaliyo Khilaafyada jira si loo wadashaqeeyo.

Si kastaba Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf siyaasadeed oo sababay in xayiraad dowladda Federaalka  ku soo rogtay deegaanada Jubbaland iyo dagaalo geystay Khasaaro oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories