HomeWararMaamulka Puntland oo karantiilay 5 Ruux oo laga shakiyay

Maamulka Puntland oo karantiilay 5 Ruux oo laga shakiyay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in haatan ay gacanta ku haayan shan ruux oo looga shakiyay inay qabaan Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana kamid ah dadkaas qof Soomaali ah. Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo 4 kamid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in haatan ay gacanta ku haayan shan ruux oo looga shakiyay inay qabaan Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana kamid ah dadkaas qof Soomaali ah.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo 4 kamid ah ay yihiin Ajaanib u dhashay dal kale, halka kan kalena uu yahay Ruux Soomaali ah, kuwaasi oo la geeyay Xarun gooni ah oo loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka in dadkaas ay baaritaano ku socdaan uuna baaritaankaas qaadan karo muddo saddex maalmood, isla markaana xaaladooda  Caafimaad dadkaas ay wanaagsan tahay.

Isaga oo sii hadlaayay Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka qaarkood laga helay Aslaamaha lagu garto Cudurka COVID-19, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan, Jawaabta kasoo baxdana ay soo bandhigi doonaan.

Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa beenisay warar la sheegayay oo ku aadan in deegaanada maamulkaas laga helay qof qaba Cudurka Coronavirus.

- Advertisement -

Puntland ayaa wada dadaalo dhowr ah oo ay uga hortageyso faafida Cudurka COVID-19 ah, waxaana gebi ahaan la xiray Goobaha Waxbarashada sida Iskuulada iyo Jaamacadaha, iyadooona mamnuucday in dadka isugu taagan hal goob.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts