HomeCaalamkaAmiirka Dhagal-sugaha Boqortooyada Ingiriiska oo laga helay COVID-19

Amiirka Dhagal-sugaha Boqortooyada Ingiriiska oo laga helay COVID-19

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence. Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud “balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay. Xaaskiisa oo 72 sano jir […]

- Advertisement -

Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence.

Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud “balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay.

- Advertisement -

Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, waana laga waayay fayraska.

Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ka soo shaqeynayay guriga maalmihii la soo dhaafay.

Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: “Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go’doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland.

- Advertisement -

“Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay.”

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories