HomeCaalamkaDhul-gariir xoogan oo ku dhuftay Jaziirad lagu muransan yahay

Dhul-gariir xoogan oo ku dhuftay Jaziirad lagu muransan yahay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dhulgariir cabirkiisu lagu qiyaasay 7.8 Richter ayaa subaxnimadii saaka oo Arbaca ah ku dhuftay Jaziiradaha Kuril ee dalka Ruushka, sida laga soo xigtay Machadka qiimeeya Dhulgariirada iyo Sunaamida ee xaruntiisu tahay America. Machadka ayaa sheegay in xudunta dhulgariirku ka dhacay ay tahay meel 59-km dhinaca badda kaga beegan Jaziirada Kurli, sidoo kalena qiyaastii 1400 km […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dhulgariir cabirkiisu lagu qiyaasay 7.8 Richter ayaa subaxnimadii saaka oo Arbaca ah ku dhuftay Jaziiradaha Kuril ee dalka Ruushka, sida laga soo xigtay Machadka qiimeeya Dhulgariirada iyo Sunaamida ee xaruntiisu tahay America.

Machadka ayaa sheegay in xudunta dhulgariirku ka dhacay ay tahay meel 59-km dhinaca badda kaga beegan Jaziirada Kurli, sidoo kalena qiyaastii 1400 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Sapporo ee dalka Japan.

- Advertisement -

Xarunta Digniinta sunamiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in aan illaa waqtigaan la ogaan karin dhibaatada uu gasytstay balse wali ay ku hawlan tahay qiimeyn ay ku samaynayso xaqiiqada rasmiga ah ee ku saabsan haddii ay jiraan khasaare ka dhashay dhulgariirkaas.

Kuril waa afar jasiiradood oo ku yaalla inta u dhaxaysa Badda Okhotsk iyo Badweynta Baasifigga, afartaas jasiiradood waxaa ku muransan Dawladaha Ruushka iyo Japan.

Afarta jasiirad ee lagu muransanyahay waa Habomai, Shikotan, Iturovo, iyo Kunashiri, Dawladda Ruushku waxay ugu yeertaa Jaziiradahan Kuril, halka Tokyo ay ugu yeerto “dhulalka waqooyiga.”

- Advertisement -

Muranka ka taagan jasiiradahan ayaa ka hor istaagay Dawladaha Russia iyo Japan inay kala saxiixdaan heshiis nabadeed oo si rasmi ah usoo afjaraya colaadda u dhaxaysa labadaas dal oo soo taagnayd than iyo dagaalkii labaad ee adduunka, inkasta oo dib loo soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey Tokyo iyo Moscow 1956.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts