HomeCaalamkaDhul-gariir xoogan oo ku dhuftay Jaziirad lagu muransan yahay

Dhul-gariir xoogan oo ku dhuftay Jaziirad lagu muransan yahay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dhulgariir cabirkiisu lagu qiyaasay 7.8 Richter ayaa subaxnimadii saaka oo Arbaca ah ku dhuftay Jaziiradaha Kuril ee dalka Ruushka, sida laga soo xigtay Machadka qiimeeya Dhulgariirada iyo Sunaamida ee xaruntiisu tahay America. Machadka ayaa sheegay in xudunta dhulgariirku ka dhacay ay tahay meel 59-km dhinaca badda kaga beegan Jaziirada Kurli, sidoo kalena qiyaastii 1400 km […]

- Advertisement -

Dhulgariir cabirkiisu lagu qiyaasay 7.8 Richter ayaa subaxnimadii saaka oo Arbaca ah ku dhuftay Jaziiradaha Kuril ee dalka Ruushka, sida laga soo xigtay Machadka qiimeeya Dhulgariirada iyo Sunaamida ee xaruntiisu tahay America.

Machadka ayaa sheegay in xudunta dhulgariirku ka dhacay ay tahay meel 59-km dhinaca badda kaga beegan Jaziirada Kurli, sidoo kalena qiyaastii 1400 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Sapporo ee dalka Japan.

- Advertisement -

Xarunta Digniinta sunamiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in aan illaa waqtigaan la ogaan karin dhibaatada uu gasytstay balse wali ay ku hawlan tahay qiimeyn ay ku samaynayso xaqiiqada rasmiga ah ee ku saabsan haddii ay jiraan khasaare ka dhashay dhulgariirkaas.

Kuril waa afar jasiiradood oo ku yaalla inta u dhaxaysa Badda Okhotsk iyo Badweynta Baasifigga, afartaas jasiiradood waxaa ku muransan Dawladaha Ruushka iyo Japan.

Afarta jasiirad ee lagu muransanyahay waa Habomai, Shikotan, Iturovo, iyo Kunashiri, Dawladda Ruushku waxay ugu yeertaa Jaziiradahan Kuril, halka Tokyo ay ugu yeerto “dhulalka waqooyiga.”

- Advertisement -

Muranka ka taagan jasiiradahan ayaa ka hor istaagay Dawladaha Russia iyo Japan inay kala saxiixdaan heshiis nabadeed oo si rasmi ah usoo afjaraya colaadda u dhaxaysa labadaas dal oo soo taagnayd than iyo dagaalkii labaad ee adduunka, inkasta oo dib loo soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey Tokyo iyo Moscow 1956.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories