HomeWararShirka Wadatashiga Puntland oo Maanta ka furmaya Garoowe

Shirka Wadatashiga Puntland oo Maanta ka furmaya Garoowe

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shirka wadatashiga  Puntland oo uu Iclaamiyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Dowladda Federaalka kana soo  jeeda Puntland, Odayaal dhaqameed, Culimo iyo […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shirka wadatashiga  Puntland oo uu Iclaamiyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Dowladda Federaalka kana soo  jeeda Puntland, Odayaal dhaqameed, Culimo iyo xubno kala duwan oo ka socda deegaanada maamulkaas.

- Advertisement -

Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Aayaha dowlad Goboleedka Puntlland, Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulkaas iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabullaahi Deni ayaa la filayaa in Shirkaas uu Maanta si rasmi ah u furo, isagoona jeedin doona Khudbad uu uga hadli doono Arrimo kala duwan oo aadan Khilaafka dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Dhinaca kale Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa la dhigay Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Garoowe, kuwaasi oo sugaya amniga, siddoo kalena baaritaano ku sameeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Si kastaba Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana gebi ahaan la fasaxay Goobaha Waxbarashada ee ku yaalla halkaas ilaa iyo uu kasoo dhamaanayo Shirka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories