HomeWararFaah faahin:-Meydka Gabar 12-sano jir ah oo laga helay G/Galgaduud

Faah faahin:-Meydka Gabar 12-sano jir ah oo laga helay G/Galgaduud

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka aan ka heleyno deegaan dhanka Waqooyi uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay Meydka Gabar 12-jir ah oo si xun loo dilay. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska deegaan lagu magacaabo bohol ayaa Meydka gabadha kasoo qaaday deegaankaas, waxaana la geeyay Isbitaal ku yaalla […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan dhanka Waqooyi uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay Meydka Gabar 12-jir ah oo si xun loo dilay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska deegaan lagu magacaabo bohol ayaa Meydka gabadha kasoo qaaday deegaankaas, waxaana la geeyay Isbitaal ku yaalla Dhuusamareeb, iyadoona gabadha oo aheyd 12-jir loo dilay si xun.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidanka amniga deegaanka bohol ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo isugu jira Nin iyo Gabadha dhimatey hooyadeed, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falka loo geystay gabadhaas yar.

Labada eedeeysane ayaa iyaguna waxaa la geeyay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in hooyada iyo nin seeygeeda ah lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falka lagu dilay gabadha yar oo 12-sanno jir aheyd.

Dadka deegaanka bohol ee Gobolka Galgaduud ayaa si aad ah uga naxay dhacdadaan ka dhacday deegaanka ee lagu dilay Gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories