HomeCaalamkaIngiriiska oo karantiilaya dadka da’doodu ay ka weeyntahay 70-sano

Ingiriiska oo karantiilaya dadka da’doodu ay ka weeyntahay 70-sano

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in tallaabooyinkaan lagu karaan tiilayo dadka da’dooda ay ka sareeyso 70 sano la qaadayo toddobaadyo gudahood si looga bad baadiyo xanuunka Coronavirus.

Waxa uu intaa ku daray in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo adag oo dhib badan haddana lagu qasban yahay si loo bad baadiyo dadkaasi da’da ah.

- Advertisement -

Dowladda Ingiriiska ayaa cadaadis ballaaran la kulmeeyso si ay u qaaddo tallaabooyin dheeraad ah iyada oo la  xakameeynayo faafista xanuunka Corona oo hadda ay u geeriyoodeen  21 qof oo Muwaadiniin British ah , kuwaa oo dhammaan da’dooda ay ka sareeysay 60 sano .

Xaaladdan ayaa ka dhigan in qof walba uusan ka soo bixin gurigiisa , xitaa kuwa raashinka guryaha geeyaa ay albaabada dhigaan wixii adeeg ah oo aysan gudaha u galin guryaha.
Tallaabadan ayaa immaaneeysa waqti Culimada caafimaadka ingiriiska ay cambaareeyeen hannaanka Xukuumadda u wajaheeyso Cudurka Corona Virus , waxa ayna ku booriyeen in ay qaaddo tallaabooyin dheeri ah si loo xakameeyo COVID19.

Tirda guud ee dadka laga helay xanuunkaan dalka ingiriiska waxa ay gaarayaan 1,140, waxaana la baaray dad gaaraya 37,746 ruux.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarada Ingiriiska ayaa ka dalban doona shirkadaha dalka ingiriiska in ay ku biiraan Gurmadka qaran ee hadda soconaya si looga hortago Xanuunkaan sidia ba’an u faafa ee Coronavirus.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories