HomeCaalamkaWHO oo ku dhawaaqday in Yurub ay tahay Xuddunta Cudurka Coronavirus

WHO oo ku dhawaaqday in Yurub ay tahay Xuddunta Cudurka Coronavirus

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in Yurub ay tahay xuddunta xanuunka coronavirus xilli ay dalal badan oo dunida ah la tacaalayaan xakameynta faafitaanka firuskan islamarkaana ay xirayaan xuduudahooda iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiyada. Hadalka WHO ayaa yimid iyadoo tirada dadka uu ku dhacay coronavirus iyo dadka u dhimanayaba ay sii kordhayaan dalalka reer Yurub. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in Yurub ay tahay xuddunta xanuunka coronavirus xilli ay dalal badan oo dunida ah la tacaalayaan xakameynta faafitaanka firuskan islamarkaana ay xirayaan xuduudahooda iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiyada.

Hadalka WHO ayaa yimid iyadoo tirada dadka uu ku dhacay coronavirus iyo dadka u dhimanayaba ay sii kordhayaan dalalka reer Yurub.

- Advertisement -

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah Madaxa WHO ayaa sheegay in qaaradda Yurub ay haatan soo warineyso “kiisas iyo dhimasho ka badan isu-geyn dunida inteeda kale, marka laga reebo China.”

Wuxuu ku tilmaamay “dhacdo naxdin leh”, isaga oo ka digay inaysan suurtagal ahayn in la sheego goortu fayrasku uu hoos u dhici doono adduunka oo dhan.

Ilaa intii uu coronavirus ka dillaacay dalka China bishii December ee sanadkii hore, in ka badan 143,400 oo kiis oo bukaano uu haleelay ah ayaa laga soo wariyey 135 dal sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee AFP.

- Advertisement -

Dadka uu cudurkani dilay oo marba mark aka danbeysa sii kordheysa ayaa haatan mareysa in ku dhow 5,500 oo qof.

Wadamada uu cudurkani dhibaatada ugu daran ku haayo ayaa kala ah Shiinaha oo ay ku geeriyoodeen 3,176 qof, Talyaaniga oo ay ku geeriyoodeen 1,266 qof iyo Iran oo ay ku geeriyoodeen 611 qof.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts