HomeCaalamkaWHO oo ku dhawaaqday in Yurub ay tahay Xuddunta Cudurka Coronavirus

WHO oo ku dhawaaqday in Yurub ay tahay Xuddunta Cudurka Coronavirus

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in Yurub ay tahay xuddunta xanuunka coronavirus xilli ay dalal badan oo dunida ah la tacaalayaan xakameynta faafitaanka firuskan islamarkaana ay xirayaan xuduudahooda iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiyada. Hadalka WHO ayaa yimid iyadoo tirada dadka uu ku dhacay coronavirus iyo dadka u dhimanayaba ay sii kordhayaan dalalka reer Yurub. […]

- Advertisement -

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in Yurub ay tahay xuddunta xanuunka coronavirus xilli ay dalal badan oo dunida ah la tacaalayaan xakameynta faafitaanka firuskan islamarkaana ay xirayaan xuduudahooda iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiyada.

Hadalka WHO ayaa yimid iyadoo tirada dadka uu ku dhacay coronavirus iyo dadka u dhimanayaba ay sii kordhayaan dalalka reer Yurub.

- Advertisement -

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah Madaxa WHO ayaa sheegay in qaaradda Yurub ay haatan soo warineyso “kiisas iyo dhimasho ka badan isu-geyn dunida inteeda kale, marka laga reebo China.”

Wuxuu ku tilmaamay “dhacdo naxdin leh”, isaga oo ka digay inaysan suurtagal ahayn in la sheego goortu fayrasku uu hoos u dhici doono adduunka oo dhan.

Ilaa intii uu coronavirus ka dillaacay dalka China bishii December ee sanadkii hore, in ka badan 143,400 oo kiis oo bukaano uu haleelay ah ayaa laga soo wariyey 135 dal sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee AFP.

- Advertisement -

Dadka uu cudurkani dilay oo marba mark aka danbeysa sii kordheysa ayaa haatan mareysa in ku dhow 5,500 oo qof.

Wadamada uu cudurkani dhibaatada ugu daran ku haayo ayaa kala ah Shiinaha oo ay ku geeriyoodeen 3,176 qof, Talyaaniga oo ay ku geeriyoodeen 1,266 qof iyo Iran oo ay ku geeriyoodeen 611 qof.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories