HomeCaalamkaMadaxweyneyaasha Turkiga iyo Ruushka oo xal u raadinaya xiisada Idlib

Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Ruushka oo xal u raadinaya xiisada Idlib

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiista booqan doona Russia, si uu madaxweyne Vladimir Putin ugala xaajoodo xiisadda sii kordheysa ee ka taagan Syria, waxaa sidaas maanta sheegay xafiiskiisa. “Madaxweynaha waxa uu booqasho hal maalin ah ku tagi doonaa Russia, 5-ta March,” waxaa sidaas bayaan ku yiri madaxtooyada Turkey. Turkey ayaa Axadii xaqiijisay inay billowday […]

- Advertisement -

Madaxweynha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiista booqan doona Russia, si uu madaxweyne Vladimir Putin ugala xaajoodo xiisadda sii kordheysa ee ka taagan Syria, waxaa sidaas maanta sheegay xafiiskiisa.

“Madaxweynaha waxa uu booqasho hal maalin ah ku tagi doonaa Russia, 5-ta March,” waxaa sidaas bayaan ku yiri madaxtooyada Turkey.

- Advertisement -

Turkey ayaa Axadii xaqiijisay inay billowday howl-gal militari oo ka dhan ah ciidamada Syria ee Russia ay taageerto kadib isku dhacyo xooggan oo ka dhacay gobolka Idlib.

Ankara, oo taageerta dagaal-yahanada Islaamiga ah ee gobolka, ayaa 19 askari oo Syrian ah ku dishay duqeymo ay ku fulisay diyaarado aan cidna wadin Axaddii, waxayna soo ridday laba diyaarad oo uu maamulka Syria leeyahay.

Hase yeeshee waxaa ka go’an inay ka fogaato isku dhac toos ah oo dhex mara ayada iyo Moscow, oo ay wadaagaan xiriir ganacsi iyo mid militari oo weyn.

- Advertisement -

Xiisadda hadda taagan ayaa ka dartay toddobaadkii tegay kadib markii 34 askari oo Turkish ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo lagu eedeeyey xukuumadda Damascus.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories