HomeCaalamkaTurkiga oo weerar lagu le’day ka fuliyay Gudaha Suuriya

Turkiga oo weerar lagu le’day ka fuliyay Gudaha Suuriya

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidanka dalka Turkiga ayaa burburiyay fariisimo ciidanka Suuriya ay ku lahaayeen Magaalada Idlib ee dalkaas, Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in howlgalkaas lagu burburiyay 8 diyaaradood oo Helicopter ah diyaarad Drone ah iyo 100 gaadiidka Taangiga ah oo ay lahaayeen ciidanka Suuriya. Sidoo kale waxaa ay warbaahinta Turkigu sheegtay in 2000 oo askarta dowladda Suuriya ah […]

- Advertisement -

Ciidanka dalka Turkiga ayaa burburiyay fariisimo ciidanka Suuriya ay ku lahaayeen Magaalada Idlib ee dalkaas, Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in howlgalkaas lagu burburiyay 8 diyaaradood oo Helicopter ah diyaarad Drone ah iyo 100 gaadiidka Taangiga ah oo ay lahaayeen ciidanka Suuriya.

Sidoo kale waxaa ay warbaahinta Turkigu sheegtay in 2000 oo askarta dowladda Suuriya ah lagu dilay howlgalkaas waxaana ay arintaasi ka dambeysay markii Idlib lagu dilay maalmo ka hor 34 ka tirsan ciidanka Turkiga.

- Advertisement -

Weerarka Khasaaraha dhaliyay uu Turkiga u geystay Suuriya ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo maalmo kahor dowladda Turkiga 33 askari duqeyn dhinaca cirka ah lagaga dilay Gobolka idlib.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay Jawaab ka bixin doonaan weerarkaas Askarta looga dilay, iyadoona Maanta uu weerar ka fuliyay Suuriya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories