HomeWararFaah faahin:-Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Baardheere oo la dilay

Faah faahin:-Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Baardheere oo la dilay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay saddex kamid ah Guddoomiye waaxeedyada degmadaas. Dad ku sugan Baardheere oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in saddexda Guddoomiye ee la dilay laba kamid ah la gowracay, halka mid kalena la toogtay, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay saddex kamid ah Guddoomiye waaxeedyada degmadaas.

Dad ku sugan Baardheere oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in saddexda Guddoomiye ee la dilay laba kamid ah la gowracay, halka mid kalena la toogtay, waxaana Meydadkooda la helay Xaafad ka tirsan degamadaas.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka Guddoomiye waaxeedyada ka tirsanaa maamulka Degmada Baardheere ay ka dambeeyeren rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha la dilay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Carab Jiis oo ahaa guddoomiyaha laanta Dabaqoray ee degmada Baardheere, Jibriil Maxamed iyo Cabdi Santuur oo ahaa Guddoomiyaha laanta Buulo-Kuulow.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan dilka iyo gowraca Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkaas loogu geystay Degmada Baardheere.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts