HomeCaalamkaQatar iyo Sacuudiga oo hakiyey wadahadallo u socday iyo sababta keentay

Qatar iyo Sacuudiga oo hakiyey wadahadallo u socday iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Qatar ayaa sheegay in wadahaddaladii u dhexeeyey Doha iyo Riyadh si loo dhameeyo khilaafka dublumaasiyadeed ee ka dhex aloosan uu haatan hakad galay, iyadoo dublumaasiyiinta iyo khubarada siyaasadda ka faallooda ay sheegayaan in wadahadalladaasi la isku mari waayay. Boqortooyada Sucuudiga oo ay wehliyaan xulufadeeda Imaaraatka Carabta, Bahrain iyo Masar ayaa bishii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Qatar ayaa sheegay in wadahaddaladii u dhexeeyey Doha iyo Riyadh si loo dhameeyo khilaafka dublumaasiyadeed ee ka dhex aloosan uu haatan hakad galay, iyadoo dublumaasiyiinta iyo khubarada siyaasadda ka faallooda ay sheegayaan in wadahadalladaasi la isku mari waayay.

Boqortooyada Sucuudiga oo ay wehliyaan xulufadeeda Imaaraatka Carabta, Bahrain iyo Masar ayaa bishii June ee sanadkii 2017-kii jaray dhamaan xiriirradii dublumaasiyadeed, gacansi iyo socdaal ee ay la lahaayeen dalka Qatar.

- Advertisement -

Afartan dowladood ayaa ku eedeeyey Doha iney taageerto waxa ay ugu yeereen kooxo mayal adag sida ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo iney raadineyso iney cilaaqaad dhow la sameysato dalka ay Sacuudiga xafiiltimaan ee Iran. Qatar ayaa beenisay dhamaan eedahaasi.

“Muddo saddex sano ah ayaa ka soo wareegtay ilaa markii uu khilaafkani bilowday. Ma ihin kuwa khalalaasahan abuuray, waxaanna ahayn marwalba kuwa u furan inaan soo afjarno xiisaddan,” ayuu shirka arrimaha ammaanka caalamka ee ka socda magaalada Munich ee dalka Germany ka sheegay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Qatar Maxammed bin Cabdulrahman Al-Thaani.

Laba dublumaasi oo ku sugan Doha ayaa sheegay ineysan muuqan wax saan saan ah oo ku aaddan in wadaxaajoodka dib loo soo nooleeyo mustaqbalka dhow.

- Advertisement -

Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa ka soo xigtay dublumaasi Khaliiji ah oo aysan magacaabin in Sacuudigu ay isaga bexeen wadahadalka sababtoo ah kooxda wadaxaajoodka ee Qatar “ma aaney u muuqan iney ka go’an tahay iney ka miradhaliyaan wadahadalka.”

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Debedda ee Qatar ayaa sheegaya in Doha aysan mas’uul ka aheyn hakinta wada hadallada, ayna wali diyaar u tahay iney halkoodii ka sii socdaan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts