HomeCaalamkaAkhriso:-Halka ay mareyso tirada dadka u dhintay Cudurka Coronavirus

Akhriso:-Halka ay mareyso tirada dadka u dhintay Cudurka Coronavirus

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Tirada guud ee dadka u geeriyooday feyriska ka dillaacay Shiinaha ayaa dhaaftay 1,500 oo qof maanta oo Sabti ah iyadoo maamulka Beijing ay ku amreen dadka ka soo noqonaya fasaxyada ee imanaya caasimadda in ay tagaan goobaha karantiilka oo lagu hayn doono 14 cisho si loo xakameeyo faafitaanka feyriskan.

In ka badan 66,000 oo qof ayaa la xanuunsanaya firuskan oo markiisii hore ka bilowday gobolka Hubei ee bartahamaha dalkaasi bishii December, ka hor inta uusan ku faafin qeybaha kale ee dalkaasi halkaasi oo malaayiin qof ay bishii hore ku jireen fasaxa sanadka cusub ee Lunar-ka dalkaasi.

- Advertisement -

Waqtiga fasaxa ayaa la kordhiyey si looga hortago faafitaan dheeri ah oo cudurkan cronovirus uu sameeyo, laakin dadka ayaa bilaabay iney kusoo laabtaan shaqooyinkooda todobaadyadii la soo dhaafay.

Maamulka magaalada Beijing ayaa Jimcadii meel mariyey amar ku qasbaya dhamaan dadka imanaya caasimadda in mudo 14 cisho ah ay iskarantiilaan, iyagoo ku hanjabay in qofkii aan sharcigan u hogaansamin ay ciqaab marin doonaan.

Wasiir ku xigeenka Gaadiidka ee Shiinaha Liu Xiaomin ayaa sheegay in Ilaa 283 milyan oo safar ay sameeyeen dadka Shiinuhu intii u dhaxaysay 25 janaayo-Jimcadii shalay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories