HomeCaalamkaYaa ku guuleystay Doorasho ka dhacday dalka Mareykanka

Yaa ku guuleystay Doorasho ka dhacday dalka Mareykanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Senator-ka gobolka Vermont Bernie Sanders ayaa ku guuleystay doorashadii Talaadadii ka dhacday gobolka New Hampshire ee lagu xulayey musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee bisha November madaxtinimada Mareykanka kula loolami doona madaxweyne Donald Trump. Sanders ayaa helay 26% codadka, isaga oo ka adkaaday duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg oo kaalinta labaad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Senator-ka gobolka Vermont Bernie Sanders ayaa ku guuleystay doorashadii Talaadadii ka dhacday gobolka New Hampshire ee lagu xulayey musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee bisha November madaxtinimada Mareykanka kula loolami doona madaxweyne Donald Trump.

Sanders ayaa helay 26% codadka, isaga oo ka adkaaday duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg oo kaalinta labaad ku galay 24%. Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa kaalinta saddexaad ku gashay 20%.

- Advertisement -

Sanders ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay magaalada Manchester inuu “guul weyn” gaaray, wuxuuna ballan-qaaday in Dimoqraadiga ay isku iman doonaan, si ay uga adkaadaan Trump.

“Aan idiin sheego in guusha caawa ay tahay billowga dhammaadka Donald Trump,” ayuu yiri Sanders.

Dhinaca kale, codadka ay heshay Senator Klobuchar ayaa ka yaabiyey dad badan, ayada oo saadaal ay sameysay jaamacadda New Hampshire ka hor doorashada ay muujisay inay haysatay taageerada kaliya 7% dadka.

- Advertisement -

Amy Klobuchar ayaa sheegtay in ololaheeda uu mar kale ka adkaaday saadaasha kuwa siyaasadda fallanqeeya.

Hase yeeshee doorashadiii xalay ayaa mar kale noqotay mid niyadjab u ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo kaalinta shanaad ku galay 8% codadka.

Biden ayaa dad badan ay saadaalinayeen inuu noqon doono musharaxa dimoqraadiga ee wajahaya Trump, hase yeeshee labadii doorasho ee Iowa ee New Hampshire ayuu Biden ka galay kaalimo hoose.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts