HomeCaalamkaHogaamiye Mucaarad ah oo shaaciyay inuu la dhacsaneyn qorshe uu wado Madaxweyne

Hogaamiye Mucaarad ah oo shaaciyay inuu la dhacsaneyn qorshe uu wado Madaxweyne

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Hogaamiyaha fallaagadii South Sudan, Riek Machar, ayaa sheegay in aanu la dhacsanayn qorshaha madaxweynuhu ku doonayo in dhabbaha loogu xaaro samaynta dawlad midnimo qaran ah oo dalku yeesho. Sabtidii shalay ayaa Madaxweyne Salva Skiir aqabalay dalab hore ay mucaaradku u aqbaleen oo ahaa in gobollada dalka lagu soo celiyo tiradii hore oo ah waxaanu sidoo […]

- Advertisement -

Hogaamiyaha fallaagadii South Sudan, Riek Machar, ayaa sheegay in aanu la dhacsanayn qorshaha madaxweynuhu ku doonayo in dhabbaha loogu xaaro samaynta dawlad midnimo qaran ah oo dalku yeesho.

Sabtidii shalay ayaa Madaxweyne Salva Skiir aqabalay dalab hore ay mucaaradku u aqbaleen oo ahaa in gobollada dalka lagu soo celiyo tiradii hore oo ah waxaanu sidoo kale shaqada ka eryayey laba iyo soddonkii barasaab ee gobollada ee hore loo magacaabay.

- Advertisement -

Warfidiyeenku waxay sheegayaan in labada dhinac ay weli aad u kala shakisan yihiin.

Madaxweyne Salvakiir wuxuu sheegay inuu aqbalay dalabka mucaaradka ee ahaa in tirade gobolada laga dhigo 10 halka uu marki hore doonayey 32 gobol.

Hadalka ka soo yeeray Salvakiir ayaa lagu tilmaamay iney tahay mid rajo gelineyso iney soo afjaranto cabashada mucaradka uuna hirgalo heshiiska nabadeed ee South Sudan.

- Advertisement -

Hase yeeshee, warmurtiyeed uu soo saaray hoggaamiyihii hore ee fallaagada, Rike Machar wuxuu ku gacan seydhay go’aanka madaxweynaha uu qaatay ee ah in ismaamullo gaar ah laga dhiso deegannada ay dagaalla beeleedyadu in muddo ah ka socdeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories