HomeWararKhasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Warshadda Biyaha Zamzam

Khasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Warshadda Biyaha Zamzam

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa xalay saqdii dhexe lagu guuleystay deminta dab socday ku dhawaad Todobo saac, kaasi fiidkii hore ee xalay qabsaday Warshadda Biyaha Zamzam qeybta ay ku leedahay isgoyska Tabeellaha Sh. Ibraahim. Inta ay socotay hawsha lagu daminayay dabkan ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay masuuliyiinta Garasbaaley, Gaadiidka dab damisyada gobolka Banaadir iyo Shirkadda Hormuud. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa xalay saqdii dhexe lagu guuleystay deminta dab socday ku dhawaad Todobo saac, kaasi fiidkii hore ee xalay qabsaday Warshadda Biyaha Zamzam qeybta ay ku leedahay isgoyska Tabeellaha Sh. Ibraahim.

Inta ay socotay hawsha lagu daminayay dabkan ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay masuuliyiinta Garasbaaley, Gaadiidka dab damisyada gobolka Banaadir iyo Shirkadda Hormuud.

- Advertisement -

Masuuliyiinta goob-jooga aheyd inta uu gurmadku socday ayaa waxa ay kala ahaayeen Agaasimaha guud ee nadaafadda iyo billic soo celinta gobolka Banaadir Sharmaarke Caddow Tuuryare, Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne farabadan.

Taliyaha Booliska Garasbaaley Laba Xidigle C/ladhiif Cali Maxamuud (Rubac Gaaldile) oo dhankiisa gurmadka ka qeyb qaadanayay ayaa sidoo kale ka hortagay in Tuug-nacas uu boobo hantida shacabka.

Guddoomiyaha Garasbaaley C/raxmaan Garyare oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dabka uusan geysan Khasaaro nafeed, hayeeshee uu geystay Khasaaro hantiyadeed.

- Advertisement -

Sidoo kale Cabdiqani Dhalloole oo ah Agaasimaha gurmadka Deg dega Gobalka Banadir ayaa waxa uu sheegay  in dabku uu xooganaa ayana isugu geeyeen wax kasto oo ay awoodeen si loo badbaadiyay hantida taalla Xarunta Warshadda Biyaha Zamzam.

Dabkii xalay ka kacay Xarunta Warshadda Biyaha Zamzam ayaa geystay Khasaaro hantiyaadeed oo aad u badan, in kastoo aan weli wax faah faahin kaga bixin Khasaaraha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts