Dowladda  Maraykanka waxay shalay Liiska Argagaxisada ka sartay Kooxda Shirkaddaha Barakaat ee The Barakaat Group of Companies, taasi oo ay Cunaqabatayn ay saarnayd tan iyo bishii November ee sannadkii 2001-dii xilligaas oo weerar uu ka dhacay Maraykanka.
Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa  Hadal-qoraal oo ka soo baxay lagu sheegay inay xireen Cutubkii eedeymaha ee ay u haysteen Kooxda Shirkadaha Soomaaliyeed ee  The Barakaat Group of Companies ee shaqadooda ahayd Shirkad ka shaqeyn jirtey Xawaaladda Lacagaha.
Bilo kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Diyaaradaha ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daarihii Mataanaha ayey Dowladda Maraykanka xayirtay Hantidii Shirkadda Al-barakaat, lana wareegeen dhamaan Dukumentiyadii iyo Diiwaan-gelinadii ay Shirkadaasi  ku lahayd Caalamka.
Xayiraadaasi kadib, waxa uu Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Paul O’Neil sheegay inay Al-barakaat malaayiin Dollar sanadkiiba u gudbin jirtey Ururka Al-qaacida, waa sida uu hadalka u yiri, inkastoo ay Shirkadda The Barakaat Group of Companies had iyo jeer gaashaanka ku dhuftaan Eedeymahaasi.
Dhinaca kale, Kooxda Baarayaasha Maraykanka ee Weeraradii Daaraha Mataanaha ee  September 11-dii ee sannadkii 2001-dii waxay sheegeen inaysan haynin caddaymo Toos ah oo muujinaya inuusan waxa xiriir ah ka dhexeynin Al-barakaat iyo nooc kasta ee Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Qaadista Cunaqabatayntaasi ayaa timid dhowr isbuuc kadib, markii Waaxda Maaliyadda Maraykanka shaacisay inaysan wax dembi ah gelin Shirkadda u qabilsan U-ololeynta ee Park Strategies LLC ee xarunteeda ku taallo magaalladda New York ay wakil u ahayd Shirkadda Albarakaat,
Dowladda Maraykanka waxay Asaasaha Shirkadda Albarakaat, Axmed Nuur Cali Jimcaale  iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat ee The Barakaat Group of Companies waxay Liiska Xayiraadda ka saareen sannadkii 2016-kii, halka ay QM liiska Cunaqabataynta ka saartay Axmed Nuur Cali Jimcaale  iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat sannadkii 2012-kii.
Shirkadda Al-barakaat waxay Xaruumahooda  Maaliyadda ku yaallaan dalka Imaaraadka, waxayna lahaayeen in ka badan  180 Xafiisyo u qaabilsan Xawaaladda Lacagaha oo ku kala yaalla 40-Waddan.
