HomeCaalamkaMadaxweyne Erdogan oo Digniin Culus u diray Syria iyo sababta keentay

Madaxweyne Erdogan oo Digniin Culus u diray Syria iyo sababta keentay

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Syria inay ciidamadeeda kala baxdo goobaha kormeerka militari ee gobolka waqooyiga bari ee Idlib, halkaasi oo iskudhacyo xooggan ay ka dhaceen maalmihii tagay.

“Xilligan, laba ka mid ah 12-keena goobood ee kormeerka waxay ka dambeeyeen qadadka taliska Syria. Waxaan rajeeneynaa inay ka hor bisha Febraayo ay halkaas kala baxaan ciidamadooda,” ayuu Erdogan u sheegay xubno ka mid ah xisbigiisa AKP oo uu la kulmay.

- Advertisement -

“Haddii taliska Syria aysan ciidamadooda la bixin, Turkey waxaa waajib ku ah inay arrintan gacmaheeda wax uga qabato” ayuu yiri Erdogan.

Sideed qof oo askar Turkish iyo shacab ahaa ayaa Isniintii lagu dilay magaalada Idlib kadib rasaas ka timid ciidamada Syria.

Turkey ayaa jawaab ay bixisay ku dishay ugu yaraan 13 askari oo Syrian ah, sida ay sheegeen kooxaha la socda dagaalka Syria.

- Advertisement -

Madaxweyne Erdogan ayaa Russia, oo ah dalka ugu weyn ee taageera madaxweyne Bashar Al-Assad, ku dhalleeceeyey inay ku guul-darreysatay inay nabad ka dhaqan-geliso gobolka.

“Hadda kadib iskama indha tiri doonno tallaabo kasta oo burineysa heshiiska,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories