HomeWararWeerar lagu dilay Askar ka tirsan AMISOM oo ka dhacay Sh/Hoose

Weerar lagu dilay Askar ka tirsan AMISOM oo ka dhacay Sh/Hoose

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyn duleedka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal Culus, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Uganda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyn duleedka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal Culus, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Uganda ay ku leeyihiin deegaanada Mashallaay iyo Golweyn ee duleedka Degmada Qoryooleey.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya inay maqlayeen Jugta rasaas xoogan oo labada dhinac ay isweedaarsanayeen, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho  iyo dhaawac.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka ka dhacay duleedka Degmada Qoryooleey, iyagoona xusay inay ku dileen 4 askari Yugaandheys ah iyo Askari ka tirsan Ciidanka dowladda.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM weerar kadib ay madaafiic ku garaaceen dhul beereed ku dhow Qoryooleey, welina lama oga Khasaaraha ay geysteen madaafiicda.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Uganda oo ku aadan wararka sheegaya in Afar Askari looga dilay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts