HomeWararAl-shabaab oo War Cusub kasoo saartay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ex-Control

Al-shabaab oo War Cusub kasoo saartay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ex-Control

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Al-shabaab ayaa War Cusub kasoo saartay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa 28-kii Bishan ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in badan 100 ruux oo u badnaa shacab. Qoraal ku qoran luqadaha English-ka iyo Carabiga ayaa Al-shabaab uga hadleen tirada Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxii Ex-Koontarool Afgooye. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Al-shabaab ayaa War Cusub kasoo saartay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa 28-kii Bishan ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in badan 100 ruux oo u badnaa shacab.

Qoraal ku qoran luqadaha English-ka iyo Carabiga ayaa Al-shabaab uga hadleen tirada Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxii Ex-Koontarool Afgooye.

- Advertisement -

Sidoo kale Al-shabaab ayaa Qoraalka kasoo baxay waxaa lagu sheegay in isku geyn dadka ku dhintay weerarka ay yihiin 84 qof, isla markaana dadka rayidka ah ee dhintay tiradoodu tahay 23 qof oo kaliya.

Dhinaca kale Al-shabaab waxaa kaloo ay tilmaameen in 69 qof ay ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho, iyadoo qoraalka ku sheegay in baaritaano dheer ay ku sameeyeen xogta ku aadan qaraxa.

Guddi dowladda Soomaaliya u xilsaartay saartay qaraxii Ex-Koontarool ayaa shaaciyay in qaraxaas ay ku dhinteen in badan 80 Ruux, halka ku dhaawaca uu gaaray 149 qof, isla markaana laga ogaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

1-Muwaadiinta Turkiga (4)

2-Qandaraas-layaasha ciidamada Turkiga (4)

3-Ilaalada Turkida (12)

4-Turjume Turkida (1)

5-Ciidanka Booliska ee Ex-control (21)

6-Ciidamada kale ee Dowladda (6)

7-Sirdoonka NISA (9)

8-Mas’uuliyiin dowladeed (4)

9-Shacabka 23

10-Dhaawacyada (69).

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts